Halkee ayey mareysaa casummaaddii madaxda mucaaradka

- Waxaa ii soo baxdey in jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Iswiidhen u kala burbursan tahey, haddiiba aaney ka bur bru badneyn sida ey soomaalida ku dhaqan soomaaliya u kala qeybsan tahey.

Fikirka aan maanta halkan ka dareemey ayaa ah sida ey dadyoowgii haddallada ka jeediyeyba sheegeen in loo baahan yahey in leys dhageysto.

Cidda aad u baahan tahey inaad nabad ku heshiisaan maaha saaxiibkaa ee waa kuwa aad fekerka ku kala duwan tihiin.

Ereyadaasi waxaa yiri Jens Odlander, safiirka dalkan Iswiidhen u qaabilsan Soomaaliya mar aannu wareysi kula yeelaney Sabtidii taariikhduna aheyd 17-november oo uu kulan seminaarro lagu soo gabagabeynayey xaaladda soomaaliya ka dhacey daarta ABF ee ku taala faras magaalaha Istockholm.

Barnaamijka qeybtanna waxaan kahga hadli doonnaa daba gal barnaamij Arbacadii ina dhaaftey ka baxey idaacaddayada, kaasina oo la xiriirey maqaal uu wargeyska SVD, 13-kii bisha Noveember soo daabacey, iyo booqasho ey qaar ka mid ah madaxda ururka mucaaradku ku imanayaan ama ku iman lahaayeen Stockholm.

Ururka dalladda nabadda, oo ey xubno ka yihiin 25 urur, sida uu noo sheegey Cabdirisaaq Aaden, ahna u qaabilsanaha dalladdaa dhanka siyaasadda.

Ururka dalladda nabadda, ayaa ah kan isagu u dalbey casumaadda xubnaha ururka mucaaradka ee saldhiggiisu yahey magaalada Casmara, kaasina oo ey ka dalbadeen sida uu noo sheegey Cabdirisaaq ururka ka mid ah ururrada hoos yimaada ee lagu magacaabo Galguduud.

Waxyaabah uu Suxufiga Per Gudmundson ku eedeeyey martida uu ururkani ku casumey magaalada Istockholm oo aaney illaa iyo hadda caddeyn halka arrinkoodu mareyo sida ey noo sheegeen wareysi su’aal aannu weydiiney sarkaalad ka howlgasha wasaaradda arrimmaha dibadda, islamarkaana aan wax ka weydiiney maalintii sabtidii Marika Fahlen, wakiilka dawladda ee waddammada dhaca geeska afrika, iyadoona ka mid ah sida ku cad qoraalka kulanka lagu talo jiro inuu ka dhaco magaalada Istockholm 27, 28-ka bishan November dadyoowga ka hadli doona kulankaa.

Marika Fahlen ayaa noo sheegtey in aaney la socon middaa dhowaantanna ey safar ka timid, balse u baahan tahey iney wax ka ogaato. Ereyadeediina waxaa ka mid ahaa.

- Liiskana maan arag, casumaaddana maan arag. Anniguna qudheyda go’aan ma gaarin in aan ka qeyb qaadan doono. Xitaa waxaanan garaneyn xilliga aan ku qornahey inaan hadlo.

Sida ey sheegtey Marika Fahlen.

Waxaan isku dayney inaan dib bula xiriirno Fahlen si aan bal wax uga weydiino iney arrinkaa dib u hubsatey ama soo baadhey iyo roolka ey hadda ka taagan tahey, hase yeeshee nasiib darro waxey ku maqan tahey safar, waana ey noo suurtageli weydey inaan telefoonka kula xiriirro.

Suxufiga Per Gudmundson, ayaa waxyaabaha uu ku dhaleeceeyey martida dalka lagu casumey waxaa ka mid ah iney qaarkood yihiin ama xiriir la leeyihiin ururrada xag jirka ah.