Kulan ka dhacey carwada Älsjö
Sannadkii 2000 ayaa markii ugu horreysey la qabtey kulan sannadeed loogu magac darey ”Maalmaha kulanka xuquuqda baniaadamka”, MR-dagarna.
Kulan sannadeedkaasi oo socdey laba maalmood waxaa ka mid ahaa sida ey noo sheegtey Anki Watterhalla dadyoowgii ka soo qeyb galey, Jan Eliasson, wasiirkii hore ee arrimmaha dibadda, ahna wakiilka heyadda Qaramada Midoobey u qaabilsan carriga Darfuur.
Kulankan oo sannadka loogu magac darey Dagaalka iyo Nabadda, waxaa sidoo kale ka soo qeyb galey Cabdi-Nuur Maxamed oo ka soo baqooley dalka Soomaaliya.
Cabdi Nuur ayaa ayaa noo sheegey inuu inta badan ku sugnaa dalka soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho 17-kii sannadood ee dagaallada sokeeye ey dalka ka socdeen.
Dhibaatada uu Cabdi Nuur ka hadley iyo in meel looga dhacey xuquuqda bani’aadamka, oo ey ka mid aahaayeen waxyaabihii uu kaga hadley casharkii uu ka bixiyey kulan sannadeedkii maalmaha loogu magacdarey xuquuqda bani’aadamka, ayuu sheegey in dhibaatooyinka soomaaliya ey badankood soo gaareen kooxo ey ka mid yihiin haweenka iyo caruurta, iyo dadyoowga laga tirada badan yahey.