Bannaanbax lagu hordhigey GP

Soomaali tiradoodu gaareyso 30 ayaa bannaanbax ka hor dhigey xarunta wargeyska maalinlaha ee Göteborgs Posten, halkaasina oo ey waraaq cabasho ah u gudbiyeen maamulka wargeyska GP.

- Dadyoowga bannaanbaxayey ayaa qaba in maqaalladihii ku soo baxey wargeyska ee looga hadlayey xaaladda soomaalida ku dhaqan carrigaa ey cirka ku sii shareerayaan sawirka aan wanaagsaneyn ee laga qabey soomaalida guud ahaan, iyo gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaalada Göteborg.

Sidoo kale waxaa idaacadda leyska dhageysto ee Studio Ett, ka baxey dood la xiriirta maqaalooyin taxaneyaal ahaa ee lagu soo daabacey wargeyska maalinlaha ee Göteborgs Posten, dooddaasina oo ku baxdey luuqadda Iswiidhishka.

Somalier i Göteborg


Kriminalitet, bidragsfusk, missbruk, splittrade familjer, dåliga skolbetyg och hög arbetslöshet en folkgrupp som är på väg att gå under. Så beskrevs somalier i Göteborg av Göteborgs-Posten för några veckor sedan, reportageserien har väckt starka känslor i den somaliska gruppen i Göteborg och även bland andra. Men hur är det? Stämmer beskrivningen? Är det tuffare för somalier än andra folkgrupper att ta sig in i svenska samhället? Vem måste ta tag i problemen? Politikerna? Somalierna själva? Somalierna Yassin Abdullahi Abdi, Yasmine Elmi, Christer Lövkvist journalist Göteborgs-Posten medverkar bl a.

Soomaalida ku dhaqan Göteborg

Dembiyada, dhaqaalaha beenta lagu qaato, isticmaalka muqaadaraadka, burburka reeraha, dhallaan ku liita iskuulaadka iyo shaqa la’aan ba’an ee la soo gudboonaatey bulashada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Göteborg waxey ka mid ahaayeen sawirkii uu wargeyska GP ka bixiyey mar uu maqaallado taxaneyaal ah ka qorey soomaalida ku dhaqan carrigaa ee lagu qiyaaso 5 000.

Wargeyska oo maqaalladahaa ugu magac darey ”qowmiyad rogmaneysa ee nagu dhex nool”, ayaa isaga oo hadalkiisii sii wata is weydiiyey:

- Ma dhabbaa arrinkaa mise waa mid aaney wax ka jirin?.

Dood la xiriirta maqaalladahaa ayaan dhex dhigney qaar ka mid ah soomaalida ku dhaqan dalka iyo sidoo kale kuwa iyaguna aragtiyadooda ka dhiibtey.

kenadid.mohamed@sr.se