UD kallade Iranska Ambassadör

Danjiraha Iran oo cadaadis la saaray

Danjiraha dowlada Iiran u fadhiya dalkan Sweden ayaa looga yeeray wasaaradda arrimaha dibada, kadib markii Sweden oo heysa xilka gudoomiyenimo ee Midowga Yurub ay daba taagan tahay kiisas maxkamadeed tiro badan oo ka dhacay dalkaasi Iiraan maalmihii tagay.

Wasiirka arrimaha dibaddaa Sweden Carl Bildt oo arrimahaasi ka hadlaayey ayaa sheegay in u yeerista danjiraha ay tahay farriin adkeyneysa dhambaalka ay dowladiisa oo heysa hogaanka Yurub ay u direyso maamulka Tehran, islamarkaasina aaney aqbaleyn shaqaalaha u dhashay Midowga Yurub in maxkamado lugu soo saaro gudaha dalkaasi Iiraan.

Maalmihii ina dhaafay ee sabtida iyo axadii ayaa labo ka tirsan shaqaalaha safaaradaha Ingiriiska, iyo faransiiska maxkamad la soo taagay, kadib markii lugu eedeyey basaasnimo la xirririta banaanbaxyadii diidmada ahaa ee lugu diidayey natiijadii ka soo baxday dooroshooyinkii dalkaasi ka dhacday bishii jun ee ina soo dhaaftay.

Falkan lugu soo taagay shaqaalahaasi u dhashay reer galbeedka ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex kicisay Tehran, London iyo Paris, iyadoo weliba Faransiiska iyo Iiraan dagaal xagga afka ahi ay is dhaafsadeen.