HBT asylsökande

Khaniisiinta iyo hay'adda socdaalka

Dadka khaniisiinta ah rag iyo dumarba iyo kuwa jinsigooda badala oo dalkaan Iswiidhan ka dalbada magangalyada ama qaxootiga ayaa la siiyaa go'aamo kala duwan taas ku xiran qofka gacanyaraha uga ah hay'adda socdaalka.

Laba warbixinood oo maanta la soo bandhigey ,ayaa tilmaamaya waxyaalo ay ka mid yihiin in hay'adda socdaalku aysan laheeyn wada cad oo loo raaco sidii wax looga qaban lahaa codsiyada magangalyo oo khuseeya dadyoowga khaniisiinta ah rag iyo dumarba iyo kuwa jinsigooda badaley,taas oo macneheedu yahay in gacanyaraha arrintaas faraha ku hayaa ka gaaro go'aan isaga u gaar ah.

Maadaama aysan jirin wada cad oo arrintaan loo raaco, weey ku adag tahay gacanyarayaashu in ay qiimeeyn isku mid ah sameeyaan ,sidaas waxaa sheegey Mikael Ribbenvik oo ah madaxa dhanka maxkamadaha u qaabilsan hay'adda socdaalka