Tågförseningar

Daahitaanka tareenada

Cabasha weyn ayaa ka imaaneeysa soo daahitaanka Tareenada u kala goosha Gobalada dalkaan Iswiidhan, gaar ahaan Gobalada Waqooyiga.

Cabashadaan ayaa timid kadib markii tareen sidey badeeco nacnac u badan una socday Magaalooyinka Långsele iyo Mellansel ee Gobalka Ångermanland uu soo daahay wakhti aad u dheer taas oo kaliftay in la diyaariyo baabuur soo daadgureeysa badeecadii .

Tareenkan ayaa habeenimadii isniinta ka baxay khadkii loogu talagalay laakin maanta ayuu si caadi ah u yimid goobtii uu u socday.