
Cimiladda kulul oo dhibaatooyin abuurtay
Dab qabsada keymaha iyo dhirta, roobab duufaano wata iyo geedaha oo dhaca cimiladda xun awgeed ayaa farro ba,an waxaa ay ku heysaa qeybo kamid ah galbeedka Värmland.
““Muddo sanno ah qeylo dhaantii ugu xumeyd ee aan maqlo waxey 30-meeyo qeylo dhaan oo ka imaneysa doomaha yar yarka ah ee ku sugan xeebaha galbeed, kuwaasoo u sabab ah dabeylo xoogan, roobab iyo onkod xoog leh oo dhacayey” Sidaaa waxaa yiri mid kamid ah ciidanka dab demiska oo ka waramayey dhibaatooyinka ay haatan cimiladda aadka u kullul, roobabka iyo dabeylaha ay abuureen kuwaasoo la runsan yahay iney shacabka wax yeello ka soo gaarto, siiba kuwooda maskixiyan liita iyo waayeelldda intaba.
Waxaana jirta digniino laga bixinayo qasaaraha lixaadka leh ee ka dhalan kara cimiladda is badbadaleysa. Haatana waxaa la sheegay in in ka badan 6.500 oo jeer ay biriq dhacday. Sidoo kale goobaha ay degan yihiin waayalladda oo inta badan ah goobo ay daaqadaheeda xiran yihiin ayaa la sheegay in waayeeladda ku nooli ku yaraadeen hawadda taasina ay ugu wacan tahay kuleylka saa,id ah ee maalmahan meello badan oo dalkan kamid ahi ka jireen.