Stor brist på auktoriserade tolkar

Turjumaanada xirfadeeysan siiba Afka soomaaliga oo dalkaan aad ugu yar

Baahi aad u weeyn ayaa ka jirta dalkaan Iswiidhan dhanka turjumaanada cayiman oo afka dalkaan lagu yiraahdo: "Tolklegatimation" .

Tusaale ahaan waxaa kaliya oo dalkaan Iswiidhan jooga 11 qof oo soomaali ah oo iyagu ah turjumaano sharciyeeysan , aqoon xirfadeedna hawshaas turjubaanimada u leh , xataa waliba iyadoo ay dalkaan Iswiidhan sanadkaan yimaadeen in ku dhaw 5 000 oo qof oo qaxooti soomaaliyeed ah.

Waliba laba qof oo ka mid ah 11-kaas soomaalida ah ee ah turjumaanada cayiman ,ayaan hadda turjumaanimo ku shaqeeyn ee shaqooyin kale haya.

Hay'adda socdaalku waxay sanadkii qaabishaa ilaa iyo 30 000 oo qaxooti ah,waxayna sanadkii hore iibsatey in ka badan 200 000 oo saacadood oo turbaanimo ah,laakiin badanaa turjumaanaddii hawshaas fuliyey ma aheeyn kuwa xirfaddaas turjumaanimada loo aqoonsan yahay.

Awoodda luqo ee turjubaanku waxay aad muhiim ugu tahay arrimaha dadka qaxootigaa khuseeysa,

waxaana laga yaabaa in haddii qofkaas qaxootiga ahi uusan helin turjubaan fiican la siiyo jawaabta diidmada .

Turjubaano badan oo xirfaddaas iyagoo aan aqoon u laheeyn ku shaqeeysta ayaan u tababarneeyn in ay ka turjumaan arrimaha maxkamadaha.

200 000 oo saacadood oo loo turjumey hay'adda socdaalka,ayaa boqolkiiba 6 oo kaliya waxaa ka turjumey turjubaano sharci u heeysta xirfadda turjubaanimada.

Anne Ramberg oo ah agaasimaha guud ee ururka qareemada,ayaa sheegtey in arrintaani ,raad weyn uga tageeyso nidaamka ammaan ee maxkamadaha ,waxaana hadalkeeda ka mid ahaa :

( Khatartu waxay tahay in uusan qofka magangalyo doonka ahi si fiican u fahmin waxa laga hadlayo,uusanna markaas ka dib doodiisa ku saleeyn si caqli gal ah taasina asaas u noqoto go'aanka laga gaarayo qofka magangalyo doonka ah,sidaas daraadeedna uu khatar u yahay in codsigiisa diidmo laga siiyo ,sidaas daraadeed waxaanu u aragnaa in arrintaani khatar xoog leh xanbaarsan tahay,ayey tiri.)