
Dad saf ugu jira safaaradda Mareeykanka.Foto: Åsa Björnernerbäck/Sveriges Radio Örebro
CIA-da Mareeykanka oo dacwo lagu soo oogey
Jens Holm (V) oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka dalkaan Iswiidhan iyo garyaqaan Sten De Geer ayaa dacwad ka dhan ah ciidamada CIA-da Mareeykanka u gudbiyey danbi baarayaasha Stockholm taas oo la xiriirta basaasnimo ay CIA-du basaasi jirtey dadka dalkaan dagen ee lagu tuhunsan yahay argagixisanimada.
Danbiyada ay CIA-da ku soo oogeen ayaa waxaa ka mid ah in ay ku keceen basaasnimo sharci daro ah .
Dabagalkaan basaasnimada ah ayaa wuxuu dhacey sanadkii 2009-kii.