Qidmadda oo aan Markii Shanaad la Dhimi Doonin

Sannadka foodda innagu soo haya ayaan lagau tallaabsan doonin tallaabada shannaad ee qidmad dhimista cashuurta mushaarooyinka, sida uu idaacadda wararka Rapport ee SVT u sheegay madaxa dawladda dalka Iswiidhen Fredrik Reinfeldt. iyadoo uu sidoo kale Reinfeldt sheegay inuu shaki kaga jiro in middaa ay suurtagal noqon doonto sannadka xiga ee 2014.

- Xitaa haddii aan ku doorsho galney dhimista qidmadda mushaarooyinka ee tallaabada shannad ayaanu muuqan suurtagal dhaqaale ee noo saamaxaya middaa, sannadka foodda innagu soo haya ee 2013, sida uu sheegay Reinfeldt.

Marka laga hadlayo sannadka xiga ee 2014 ayuu Reinfeldt sheegay in "dhaqaalaha hoos u sii dhacayaa cuni doono suurtagallada".

                                            Kenadid.Mohamed@sr.se