Muqaadaraad ay Qabatay Hayadda Europool

Dalka Iswiidhen ayaa gacanta lagu dhigay saddex ruux kadib wada-shaqeeyn ka dhaxeeysay waddammo kala duwan ee Yurub ku yaala, halkaasina sidoo kale gacanta lagu dhigay muqaadaraadka anfetamin oo kor u dhaafaya 100 kiilo, sida ay sheegtay hayadda ammaanka ee Europool iyo guddiga sare ee maamulka Yurub. Guud ahaan waxaa gacanta lagu dhigay sagaal ruux.

Ciidanka ammaanka ayaa raadka helay kadib kolkii ey isku dayeen iney muqaad fara badan ee amfetamiin ah ey soo geliyaan dalkan Iswiidhen. Iyadoona wada-shaqeeyn dhax-martey ciidanka ammaanka ee dalkan iyo Europool lagu sameeyey raad-raac lana heley xuduuntoodii.

                                          Kenadid.Mohamed@sr.se