Wada shaqeen buuxda in ay yeeshan ciidamada xoogga waddamada woqooyiga laysku yidhaa.

12 min

Taliyaha ciidamada dalka Iswiidhan, Sverker Göransson ayaa doona haya in ay wada shaqeen dhex marto dhamaan ciidamada xoogga qaybahooda cirka ee waddamada woqooyiga laysku yidhaa (norden) maruu qudbada balaaran ka soo jeediyey kulan-sannadeedkii bulshada iyo difaaca oo ka biloowday maalintii axada magaalada Sälen ,socon doona dhawr bari.

Sidoo kale waxaa arinkaan hoosta ka xariiqay wariirka gaashaan dhiga Sten Tolgfors maruu ka hadla hayey kulankaas ayuu sheegay ineey aad u muhiim tahay in lala jaanqaado hoos u dhimista dhaqaale ee ay wadamada dadriskaahi ku sameeyeen misaaniyada ku baxda ciidamadooda iyo ineey lagama maarmaan tahay wada shaqeen aragti dheera lala yeesho dhamaan ciiddamada waddamada dariska nala ah, kuwa midowga yurub iyo ururka isku bahaystay arrimaha millatariga iyo siyaasadda ee NATO.

Asaga oo hadalkiisa siiwata ayuu yiri wasiirka gaashaan dhiga Sten Tolgfors, dalalka dariska nala ah dhamaantood waxeey hoos u dhigeen in ka badan nus miisaaniyadii ay ku bixin jireen millatarigooda, sida dalalka Danmar, Finland, Holland iyo Lettland dhamaan dadlkaas aan magacaabey iyo waiba dhalka Tyskland waxeey dhamaantood kasii xaajeeysana hayaan sidii loo sii dhimi lahaa. Iswiidhan waxaa lagudboon ineey wada shaqeen layeelato dalakla ay dariska yahiin dhanka iskaashiga ciidamada. Waayo

dalak maraykann waxuu nafara hayaa marwalb inaan qaadano masuuliyadeena nooqa beegan weerarada ay qaadayso Nato hadii aan nahay Eu-da.