Ardada Afartii sadex ayuu Asbuucii Halmar Madaxa Xanuunaa

Daraasad lagu sameeyey dagmooyinka Uppsala iyo Östhammar ayaa muujinaya in ardada dhigata dugsiyada hoose iyo kuwo sare ay asbuucii halmar madaxa xanuuno.

Bo Larssan oo ka howlgala rugta cilmibaarista bulshada ee Folkhälso- och vårdvetenskap, ayaa qaba madax xanuunka ku dhaca ardada in uu yahay mid la yarastay. Waxa uuna ku taliyey in iskoolado hirgaliyaan tababaro ardayga lagu xasalinayo.