Brand I Rinkeby Centrum

Dab ka qarxay suuqa Rinkeby

Suuqa xaafada Rinkeby ayuu xalayto dab qabsaday tukaamo ku yaalay .Tukaanka uu dabku ka qarxa ayaa u furnaa haweenay somaliyeed, sida nasoo gaartayna cidi wax kuma noqon. Welina aan la ogeyn sababta dhalisay dabkan ay ku maalka waajeen cidii tukaankas iska laheeyd iyo waliba tukaamadii u dhawaa oo albaabada looxiray.

Xalayto saacadu markay ahayd 03:00-kii habee nimo ayaa aheed markii ay soo gaareen ciidamada badbaadada degdegaa isku daya hayeen ineey badbaadiyaan dhismahaas dabku qabsaday, isla markaana ay uga hortagaan sidii usan dabku u sii faafin.

Ciidanka nabadgalyada ayaa sheegay ineey wadaan dadaal ay ku baara hayaan cidii kad danbeeysay dabkaan iyo waliba hadii looga golahaa in cid lagu dilo.

Warkaan waxaan ka soo xiganay wakaalada wararka Iswiidhan TT.