Rasaas Boolisku rideen oo ku dhacday Gym

Isku day dhac oo shalay ka dhacay dukaan iibiya Dahabka bartanka Stockholm ayaa ragii dhacayey iyo booliska is dhaaafsadeen rasaas. Kow iyo toban ka mid ah rasaasta ay booliska rideen ayaa ku dhacday Gym lagu tababarto oo meesha ka dhawaa. Sidaas waxaa aftonbladet u sheegay mulkiilaha Gymka.

Mulkiilaha ayaa sheegay in macaamiisha gym iyo shaqaaluho ay gabaad ka dhigteen gudaha gymka oo uusan qofna waxna ku noqonin rasaasta lays dhaafsadey.

Kjell Lindgren oo saxaafada u qaabilsan booliska Stockholm ayaa sheegay in aysan caado ahayn in boolisku sidaan oo kale rasaas ka ridaan wadooyinka dhexdooda.

Isha: Ekot/Aftonbladet