Carl Bildt

Wasiir Carl Bildt Afgaanistan

Wasiirka arrimaha dibada ee dalkan Sweden Carl Bildt ayaa saaka ka qayb qaatay xaflad ka dhacday Mazar-i-Sharif oo ku taal dalka Afgaanistaan.

Socdaalka wasiirka ayaa ahaa mid la xidhiidhay wareejinta ay ciidamada dalkan Sweden ee ku siman dalka Afgaanistan ay ku wareejinayeen hawlgalkooda shaqo ciidamada u dhashay dalkaas Afganistan.

Wasiirka ayaa sheegay in goobta ay ciidamada dalkan Sweden ku sugnaayeen ee Northern Light in ay muhiim u ahayd shicibka reer Afganistaan.

Isha:TT