
Dawit Isaak: 4 000 oo Maalmood oo Xarig ah
Suxufiga iswiidhishka/eriteriyaanka Dawit Isaak ayay maanta oo arbaca ah uu buuxsantay 4 000 oo maalmood oo uu xabsi ku jiray isaga oo aan maxkamad la hor-keenin.
Sidaa daraadeed ayey hayado badan ee war-baahintu ee dalkan Iswiidhen ka howl-galaa u bilaabeen howl laga fulineyo bogagga Facebook iyo Twitter sidii loogu dhiiri-gelin lahaa in xabsiga laga sii daayo. Iyada oo sidoo kale lagu baaqay inuu maamulka Iswiidhen si ka xooggan sidii hore u tallaabo qaado.
23-kii bishii septeembar ee sannadkii 2001 ayaa Dawit Isaak lagu qabtay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eriteriya, middaasina ka dambeeysay maqaal uu ku daabacay war-geeys madax bannaan uuna ku baafiyay in oodda laga qaado siyaasiyiin u doodi jirey maamulka dimoqoraadiyadda in dalka laga hir-geliyo ee xabsiga ku jirey.
Maamulka Eriteriya ayaa sheegay in Dawit Isaak loo xabisey sababo la xiriira ammaanka qaranka.