Falalka Dembiya Dhaqaaleedka

Go'aan ka soo baxay dawladda ayaa lagu gaaray in la abuuro adeegga laan wax ka baarta ama xog-ogaal ka hesha dhinacyada falal dembiyeedyada la xiriira dhaqaalaha, howshaasina oo loo xil-saaray hayadda dembiya-dhaqaaleedka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (EBM).

Iyadoona go'aanka dawladda uu gun-dhisggiisu yahay sidii looga hor-tegi lahaa, isla-markaana gacanta loogu dhigi lahaa macaashka laga helo falal baayacmushtar ee dembiyada, sida ay qoraal ku qortay war-geeyska Dagens Industri wasiirka cadaaladdu Beatrice Ask (M)

Sannadka foodda innagu soo haya ayay dawladdu u qoondeeysay miisaaniyad dheeriya ee gaarsiisan 30 malyuun oo koron hayadda (EBM) ee iyadu u xilsaaran la dagaalanka dembiyada la xiriira dhaqaalaha.

Hayadda EBM ayaa ah heyad xeer-ilaaliye, islamarkaana qaadda qiyaastii dacwooyin gaarsiisan 5 000 oo dacwadood sannadkii.

Isha:TT

Iyadoona go'aanka dawladda uu gun-dhisggiisu yahay sidii looga hor-tegi lahaa, isla-markaana gacanta loogu dhigi lahaa macaashka laga helo falal baayacmushtar ee dembiyada, sida ay qoraal ku qortay war-geeyska Dagens Industri wasiirka cadaaladdu Beatrice Ask (M).
Sannadka foodda innagu soo haya ayay dawladdu u qoondeeysay miisaaniyad dheeriya ee gaarsiisan 30 malyuun oo koron hayadda (EBM) ee iyadu u xilsaaran la dagaalanka dembiyada la xiriira dhaqaalaha.

Hayadda EBM ayaa ah heyad xeer-ilaaliye, islamarkaana qaadda qiyaastii dacwooyin gaarsiisan 5 000 oo dacwadood sannadkii.

Isha:TT

                                              kenadid.mohamed@sr.se