Martin Schibbye iyo Johan Persson

Video been abuura oo la helay

Cadaymiihii Itoobiya ku xukuntay labada suxufi ee reer Sweden ayaa hadda la ogaaday in ay ahaayeen qaar been abuur ah oo la sameeyay, sidaas waxa sheegtay SVT.

Labada suxufi ee Martin Schibbye iyo Johan Persson ayaa hadda la soo daayey balse Videowgan oo ay hadda heshay SVT ayey ku caday in videowgan la sameeyay laba cisho kadib markii la qabtay labadan suxufi.

Filmkan ayaa la sheegay in dalka Itoobiya si qarsoodiya looga soo saaray lana sheegay in dadkii filimkan Itoobiya dibadda uga soo saaray ay hadda ku noolyiin dhuumasho iyo cabsi.

SVT