Weerar loogeystey SJ oo keeney in aan tikid laga iibsan karin

Shaleyto shirkada tareenada ee SJ ayaa waxaa loo geystey weerar dhanka qadka internetka ah weerarkaas oo kkeeney in ilaa iyo hada aysan suurto gal ahyen in shirkada tikid laga bokingareysto ama laga la soo baxo mashiinadeeda.

- Waxaa weli dhibaato naga heysataa systemka bookinga ee SJ, weerarka waxuu keenayaa in aysan suurtogal aheyn tikid nala ka  gato, ayey tiri afhayeenka saxaafada u qaabilsan SJ Thelma Henrysson,

Waxey intaas raacisey in aysan sheegi karin weli weerarka nooca uu ahaa in cida ka danbeysa

Hadaba hadii aad  horey tikid u bokin gareystey waad raaci kartaa tareenka, waana suurtogal in aad tikid tareenka dhaxdiisa ka iibsato. Ayada oo weliba shirkada ay maanta joojsey qarashkii dheeradka ahaa ee laga qaadi jirey ruuxa tikid ka dhexgoosta tareenka.

- Shirkada ayaan saadaalin karin goorta dhibaatada la xalin doona sida ay sheegtey afhayeenka saxaafada ee SJ Thelma Henrysson