Carruur badan oo aan ogaan marka waalidkood kansar u dhimanayo

Carruur badan oo waalidkood kansar la silicsan yihiin ayaan loo sheegin in aabbahood ama hooyadood dhaqso dhimanayo. Sidaas waxaa lagu muujiyey daraasad uu soo saaray machadka Karolinska.

Boqolkiiba 60 dhallinyaro 600 gaareysa oo waraysi laga qaaday ayaa ku jawaabay in ay ogaadeen in aabbahood ama hooyadood ay dhimanayaan . In gaareysa boqolkiiba 98 waxay ku jawaabeen in aysan dooneyn in ay ogaadaan.

"In aan la ogaan wax dadka waaweyni og yihiin waa wax walaac abuuraya”, ayey Tove Bylund Grenklo oo caalin ahi u sheegtay idaacadda SVT Nyheter.

Isha: SVT