Hindise lagu xoojiyo iska difaacidda basaasidda dalalka shisheeye

Dowladda Iswiidhen ayaa soo bandhigtay hindise ay ku dooneyso in wax laga beddelo sharciga ku saabsan sidii la isaga difaaci lahaa wixii basaasid ah oo ay dalalka shisheeyuhu ka abaabulaan Iswiidhen. Isbeddelada la soo jeediyey waxaa ka mid ah in sharciga lagu daro qodob khuseeya basaasidda sharci-darrada iyo la adkeeyo ciqaabta cidda lagu qabto iyagoo qaxootiga dalka ku sugan basaasaya.

Wasiiradda caddaaladda Beatrice Ask ayaa war-saxaafdeed ay soo saartay ku sheegtay in "ay muhiim tahay in dadka qaxootiga ah oo sababo siyaasadeed ugu cararay Iswiidhen ay halkaan kaga magangalaan hanjabaad iyo dabagal ".

Waxaana la soo jeediyey in isbeddelka sharcigu uu dhaqangalo kowda luulyo ee 2014.

Isha: Pressmeddelande