Nin naasiiste ah oo laga cayriyey shaqada ciidamada xoogga dalka

Guddiga ciidamada xoogga dalka Iswiidhen u qaabbilsan xilka shaqaalaha gaashaandhigga ayaa go’aan ku gaaray in shaqada laga cayriyo nin si firfircoon xubin uga ah urur xagjir afkaarta midig fog taabacsan oo lagu magacaabo Nordisk ungdom (Dhallinyarada Waqooyiga Yurub). Ninkaas ayaa laga dhex arkay filimo lagu duubay dalka Ukraaiina dhexdiisa. Halkaas wuxuu ninkaas ku soo gudbinayey afkaar ajnebi-nacayn ku dhisan oo uu guddigu u arko arrin aan waafaqsanayn shaqada ciidamada xoogga dalka.

Waxaa guddiga laga soo xigtay in qofka shaqaalaha ahi uu xor u yahay in uu xubin ka noqdo ururka uu doono, balse aan la oggolaan karin in uu ku hawllan yahay dhaqdhaqaaqyo wax u dhimi kara kalsoonida loo hayo ciidamada xoogga dalka, isla markaasna loo arki karo mid sharaf-rid ku ah waddamo kale.

Isha: Ekot