Wiil 10-sano jir oo rasaaseeyey dugsi ku yaal Malmö

Wiil yar oo toban sano jira ayaa maalintii isniinta gelinkii dambe rasaas ka sameysan kuulo caagag ah oodda uga qaaday dad waddada marayey iyo arday la dhigata dugsiga Möllevångsskolan oo ku yaal Malmö. Dhacdadaana waxaa hadda cinwaan looga dhigay ku xad-gudub xeerka hubka iyo khatar-gelin nafta dad kale. Iyadoo la tixgelinayo da’da wiilkaan oo aad u yar ayaa arrintiisa lagu wareejiyey xafiiska arrimaha bulshada.

Rasaastaan caagga ka sameysan oo loo yaqaan soft air gun ma ahan wax lagu cayaaro ee waa in siddeed iyo toban sano la buuxsadey si ruqsad loogu helo in la haysto.

Isha: TT