Iswiidhen oo joojineysa kaalmada dhaqaale oo la siiyo Ugaandha

Dowladda Iswiidhen ayaa cambaareyn u soo jeedisey sharciga looga soo horjeedo dadka kahniisiinta ah oo dhawaan laga ansaxiyey dalkaas Ugaandha. Haddaba hadda ayey dowladda Iswiidhen qaadeysaa tallaabo kale oo ay joojineyso kaalmada dhaqaale oo gaareysa ilaa lix milyan iyo bar oo loo ballanqaaday dalka Ugaandha. Wasiiradda kaalmada dibedda Hillevi Engström ayaa telefishanka SVT u sheegtay in ay dowladda dooneyso in ay caawinto dadka reer Ugaandha balse aysan dooneyn in ay gacan siiso dowladda dalkaas:

Waxay ahayd toddobaadkii la soo dhaafay markii uu madaxweynaha dalkaasi qalinka ku duugay sharci cusub oo suurtagelinaya in ciqaab xabsi ah lagu xukumo dadka lagu ogaado in ay khaniisiin yihiin. Dowladaha dalalka Danmark iyo Noowgey ayaa durbadiiba go’aan ku gaaray in la weeciyo kaalmada la siin jirey Ugaandha, laakiin Iswiidhen ayaan isla markiiba go’aan ka gaarin. Hadda ayeyse dowladda Iswiidhen go’aansatay in kaalmadaas la joojiyo.