Cuntada nafaqada lihi waxay yareysaa in dumarku dhiciyaan

Dumarka uurka leh oo cuna cuntooyinka ay nafaqadu ku badan tahay waxaa ka yaraata in ay ummulaan waqtigoodii ka hor. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad ku saabsan waqooyiga Yurub oo lala kaashaday machadka Noorwey u qaabbilsan caafimaadka dadweynaha. Waxaana daraasadaas ka qaybqaatay dumar xaamilo ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 66000 oo qof.

Linda Englund-Ögge oo ah dhakhtar ummulinta, isla markaasna ah caalin ku takhasusay nafaqada cuntooyinka ayaa ka mid ahayd culumadii daraasadaan soo diyaariyey:

- Waxaan daraasadaan ku ogaanney khatarta in ay dhiciyaan ay is-dhinto marka  dumarku wax badan ka cunaan furutada, qudaarta, cuntooyinka buushadu ku jirto, noocyada kalluunka oo baruurta yar, isla markaas cuntada ku cabba biyo.

Isha: Ekot