Hindise xisbiga S ku doonayo in lagu dhimo shaqa-la’aanta

Aqoonta oo sare loo qaado, xadka caymiska shaqala’aanta oo la kordhiyo iyo khidmadda ay shaqa-bixiyayaashu ka bixiyaan dadka haysta shaqada joogtada ah oo hoos loo dhigo. Saddexdaan qodob ayaa ka mid ah hindisayaal u soo bandhigay guddi khubaro ah oo uu xisbiga Socialdemokraterna u xilsaaray in ay soo baaraan sidii loo dhimi lahaa shaqala’aanta.

Culumadaan soo diyaarisay daraasadaan oo afar ruux ka kooban, ahna dhaqaaleyahanno, ayaa maanta wargeyska Dagens Nyheter ku soo qoray in loo baahan yahay in shaqaalaha xirfado la baro iyo shirkadaha laga dhaadhiciyo in ay dad shaqaaleeyaan. Waxayna qabaan in si taas loo gaaro loo baahan yahay heerka waxbarashada Iswiidhen sare loo qaado.

Hadafka xisbiga Socialdemokraterna ayaa ah in ay sannadka 2020 Iswiidhen ka jirto heerka ugu hooseeya ee shaqal’aanta iyadoo taas lagu gaarayo in la kordhiyo tirada dadka shaqeeya iyo saacadaha la shaqeeyo.