Basaasid FBI ku sameysey Iswiidhen xilligii dagaalkii labaad ee dunida

Boliiska dembi-baarista Maraykanka oo loo yaqaan FBI ayaa basaasid xooggan ku sameeyey diblomaasiyiin iswiidhish ah oo ku sugnaa dalka Maraykanka xilligii uu socdey dagaalkii labaad ee dunidu. Sidaasna waxaa laga akhrisan karaa boqolaal dokumeentiyo horay sir u ahaa oo ay hadda idaacadda Ekot wax ka ogaatey.

Dokumeentiyadaas waxaa ka muuqda sida ay ilo xog-ogaal ahi ay koodadka xiriirka ee diblomaasiyiinta ugu gudbin jireen FBI, taas oo u suurtagelisey in ay akhristaan telegaraamyada ay isu diraan shaqaalaha safaaradda Iswiidhen ku leedahay Maraykanka iyo dowladdii iswiidhishka.

Shakhsiyaad basaasiin ah ayaa ku guuleystey in ay saaxiibtinimo ka sameystaan diblomaasiyiinta iswiidhishka si ay wax walba uga ogaadaan.

Isha: Ekot