Sannadkaan oo ku noqonaya beeraleyda mid adag

Waxaa la saadaaliyey sannadkaan 2014 uu u muuqdo sannad ku adag beeraleyda iyo xoola-dhaqatada dalkaan Iswiidhen. Sidaasna waxaa lagu muujiyey saadaal ka soo baxday shirkadda talasiinta ee ururka beeraleyda oo loo soo gaabiyo LRF konsult.

- Waxay u muuqataa wax caadi noqonaya. Horay waxaa beeraha iyo xoola-dhaqashada saameyn ku lahaa isbeddelka cimilada iyo hawada, haddase waxaan haynnaa siyaasad faraha la soo geleysa hawlaha beeraha iyo xoola-dhaqashada, sharciyo cusub, iyo weliba tartanka suuqyada adduunkat. Kaasina wuxuu ahaa Jimmy Larsson oo ah mas’uul ka hawlgala LRF Konsult.

Waxaa iyagu dhibaatada sannadkaan ka samatabixi doona dadka ka ganacsada caanaha oo iyagu sannadkii 2012 soo maray dhibaato ballaaran, balse sannadkaan jawigu u wanaagsan yahay maadaama sicirka caanuhu heerkii wanaagsanaa dib ugu noqdeen sannadkii la soo dhaafay.

Isha: P4 Jönköping