8-da Maarso

Haweeenka Soomaaliyeed ma gaadhin dhigooda Aduunka

4:37 min

Beri oo ay bishu tahay 8-ka maarso waxay ku beegan tahay  maalinka haween waynaha aduunka oo sanad kasta la xuso. Dabaaldega maalinkan waxaa Iswiidhen sannadkan lagu weyneynayaa sinaanta dhanka mushaarka, shaqada iyo fursadaha xirfadaha oo ragga iyo dumarka u sinaadaan.

Lakiin hayadaha xuquuqda haweenka u doodaa waxay sheegaan in dumarka Soomaliyeed la kulmaan dhibaatooyin badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

- Dumarka soomalidu waa in ay sameeyaan horumar si ay usoo gadhaan haweenka kale ee Aduunka, ayay tidhi Roda Cali oo aanu kula kulanay magaalada Stockholm.


- Hambalyo ayaan leeyahay haweenka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sidaas waxa tidhi Amal Cabdulahi.