Ulf Ekman oo ka baxay dariiqada Livets ord

Ulf Ekman oo ah ruuxii asaasay dariiqada diinta masiixiga oo lagu magacaabo Livets ord ayaa hadda isaga iyo xaaskiisuba ka baxeen dariiqadaas oo ku biireen madhabta kaatoliigga. Wuxuu sidaasna ku qoray bogga doodaha ee wargeyska Dagens Nyheter.

Ulf Ekman wuxuu sheegay in xiriiro uu la sameeyey kaniisadda kaatoligga ay keeneen in uu dib u qiimeeyo caqiidadiisa iyo caadada kaniisaddiisa.

Golaha urur-diimeedka Livets ord ayaa ku taageeray Ulf Ekman iyo afadiisa go’aanka ay ku gaareen in ay u wareegaan kaniisadda kaatoligga. Sidaasna waxaa war-saxaafadeed ku sheegay wakiil ka socda urur-diimeedka Livets ord.

Isha: P4 Uppland