Xagjirnimadu khatar kuma aha Iswiidhen

Kooxaha xagjirka ahi khatar kuma hayaan hannaanka dimoqraadiyadda Iswiidhen. Sidaasna waxaa tiri Ahn-Za Hagström oo ka socota ciidanka nabadsugidda ee Säpo ayaa idaacadda Aktuelt u sheegay:

- Marka aan qiimeynno hawlaha ku jirno waxaa noo cad in aysan dhaqdhaqaaqyada xagjirka ahi aysan lahayn awood  ay khatar u gelin karaan hannaanka dimoqraadiga ah ee ka jira Iswiidhen. Laakiin waxay khatar muuqata ku yihiin shkhsiyaad ka mid ah bulshada.

Mar su’aal laga weyddiiyey kooxaha iswiidhishka ah ee ka soo noqday kacdoonka Ukraaina, waxay Ahn-Za Hagström ku jawaabtey in kor ka ilaalin ku sameynayaan dadka halkaas ka soo noqda, laakiin aan loo arkin in ay jirto khatar dheeraad ah ama isku day ay kooxaha xagjirka ahi ku doonayaan in ay ku galaan falal dembiyo siyaasadeed.

Isha: SVT