Xisbiyo daryeelka caafimaadka oo sharraxan

Waxaa doorashooyinka gobolada Iswidheen ee sannadkaan ka qaybqaadan doona laba xisbi oo hor leh oo isku magacaabay xisbiyada daryeelka caafimaadka. Labadaas xisbi oo cusub ayaa kala ah Xisbiga daryeelka caafimaad (Vårdpartiet) oo laga dhisay gobolka Skåne iyo Xisbiga daryeelka caafimaad oo lacagtu kuu deeqdo (Vård för pengarna) oo laga dhaqangeliyey gobolka Sörmland.

Labadaan xisbi waxaa asaasay shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo ka niyadjabsan xaaladda uu daryeelka caafimaadka dalku ku sugan yahay.

Horey ayey 14 xisbi oo badankood u doodaan daryeelka caafimaadku is-diiwaangeliyeen si ay uga qaybqaataan doorashada dhici doonta xilliga dayrta foodda nagu haysa ee sannadkaan.

Isha: Ekot