Maaddada taariikhda oo lagu liito

Imrixaankii qaran ee maaddooyinka adabiga ah ayey boqolkiiba 16 ardayda fasalada sagaalaad ku dhaceen maaddada taariikhda. 

Ardayda ku nool qoysas waxbarashadu ku hooseyso ama ardyda ajnebiga ah ee dhowaan dalka soo galay waxaa aad ugu adag maaddada taariikhda marka loo barbardhigo maaddooyinka kale. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob ka soo baxay wakaaladda dugsiyada.

In ay ardaydu ku liidato maaddada xisaabta waxaa sabab looga dhigayaa manhajka cusub ee waxbarashada dugsiyada oo soo baxay sannadkii 2011, iyo in aysan ardayda iyo macaallimiintuba la qabsan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen shuruuudaha ku xiran barashada taariikhda.

Isha: Ekot