Bildt oo ka warramay Ukraa'iina

Wasiirka arrimaha dibedda Carl Bildt ayaa maanta baarlamaanka hortiisa uga warbixiyey xaaladda carkagan oo ka taagan dalka Ukraina. Kadibna baarlamaanka ayaa halkaas Carl Bildt ku weyddiiyey su’aalo ku saabsan xisbiga xagjirka fog ah oo lagu magacaabo Svoboda.

Waxaa Carl Bildt dhaleeceyn rasmi ah uga timid Hans Linde oo ka socda xisbiga Bidixda iyo Julia Kronlid oo ka socota xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga. Waxay labadaan siyaasi ku dhaleeceeyeen wasiirka arrimaha dibedda in uusan si cad isaga fogeyn xisbigaas xagjirka ah ee Svoboda, kaas oo jegooyin sare ka haya dowladda cusub ee Ukraina.

Carl Bildt ayaa gacanta ku sayriyey dhaleeceyntaas loo soo jeediyey isagoo ku adkeystay in haddii diiradda la saaro xisbiga Svoboda, waxay kolkaas gacan siineysaa barobogaandada Ruushka. Wakiilo ka socda golaha Yuhuudda ayaa warqad ay u direen Putin ku caddeeyey in aysan yuhuud-nacayb Ruushku sheegayo ka jirin dalkaas Ukraina, iyo in ay doonayaan in uu ku kalsoonaado sharraxaadda ay xaqiiqada ka bixinayaan, ayuu hadalkiisa ku sheegay Carl Bildt.

Isha: DN