Macallinka ayaa ugu caafimaad liita

Daraasad dhowaantan la sameeyey oo la xiriirta caafimaadka shaqaalaha ayaa lagu ogaadey in shaqaalaha dhismuhu u sarreeyaan, halka ey macallimmiintu ugu liitaan. Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu ogaadey inay aad hoos ugu dhacday xaaladda cimilada shaqada wixii ka dambeeyay sannadkii 2010.

Iyada oo kadeedka iyo khilaafyada lagu sheegey iney ugu wacan yihiin xaaladda liidata ee bareyaasha, sida uu aamin-san yahay ururka macallimiinta ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Lärarförbundet.

Baaritaankana ayey ka dambeeyeen ururrada daladda ee shirkadaha caafimaadka goobaha shaqada oo wareeysiyo la sameeyey 4 500 oo ka mid ah shaqaalaha dalka iyo sida ey caafimaadkooda u dareemeyaan, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Svenska Dagbladet.

Isha/ TT