Ilaalinta xadadka waddammada EU

Dayuurad ka mid ah dayuuradaha xuduudda lagu ilaaliyo ee laga leeyahay dalkan Iswiidhen oo ey saaran yihiin 12 shaqaale ayaa muddo bil ah, waa bisha abriil'e gacan ka geey-san doona sidii ey ku ilaalin lahaayeen xuduudda badda ee dalka Talyaaniga, iyada oo lagu eegi doono doonyaha sida sharci-darrada ah qaxootiga u soo waarida.

Waana qorshe ay hoggaamin doonto hayadda xuduuddaha ee Frontex ee ururka Midowga Yurub.

Hayadda caalamiga ee dhowrta xuquuqda bani'aadamka Amnesty International ayaa sheegtay in aanay wax fikir ah middaa ka qabin ka qeeyb-qaadashada saraakiisha iswiidhishka ee qorshahaa, hase yeeshee sheegtay iney howlaha Frontex dhibaatooyin ka jiraan. Iyadoona ilaalinta xuduudaha ee EU-du hor-seedeyso iney soo-galootigu ku dhiiradaan sidii ey ku qaadi lahaayeen dhabbooyin halis ku ah nafsaddooda, sida badaha iyo wixii la mid ah, sida uu ururku qabo.

Isha TT

                                                                kenadid.mohamed@sr.se