Boliiska oo guulo ka sheegtay qorshe socdey laba sannadood

2:22 min

Natiijo wanaag-san ayaa ka soo baxdey hoowlihii ciidanka ammaanka ee muddada labada sannadood ah socdey ee la xiriirey sidii looga hor-tegi lahaa dadyoowga caadeeystey iney noloshooda kala soo baxaan gelidda falalka dembiyada. Waa howl dhalisey in falalkii dembiyadu yaraadaan.

Sannadkii 2011 ayay ahayd kolkii saraakiisha ciidanka ammaanka lagu howl-geliyey sidii loo soo ban-dhigi lahaa cidda nolol-maalmeedka ka dhigatey falal-dembiyeedyada, oo loola jeedo dadyoowga gala dembiyada faraha badan ee nolosha ka dhigtey fal-dembiyeedyada.

Waa tiro qiyaastii gaarsii-san 10% dhammaan dembileeyda dalka, isla-markaana waxey tiradaa dembiileyaasha ahi galaan dembiyada dalka lagu galo barkood guud ahaan, kuwaasina oo u badan xadid iyo goobo la jabsado.

Hoowlahaa ciidanka ammaanku ku hoowlanaa muddada labada sannadood ah ayaa lagu gaarey natiijooyin ah xukunno 3 000 ah iyo 600 oo la xiriira xukunno ama howlo dar-yeel. Iyadoona war-bixintii hoowl-qabadkaa maanta faraha loo geliyey Beatrice Ask, ahna wasiirka cadaaladda ayay sheegtay inay aad ugu qanac-san tahay natiijadii hoowshaasi:
- Dadyoow badan ayaa xaqiiqdii sharciga la hor-keeney oo xukun lagu ridey. Dadyoow badan ayaa gacanta lagu dhigey. Imisa falal-dembiyeed ayaan dhicin oo laga hor-tagey maadaama uu ciidanka ammaanku ku daba-jirey dadyoowgaa, ayaan la qiyaasi karin. Hase yeeshee waxaa hubaal ah waxyaalo badan. Waxaa la ogsoon yahay in kolka la khalkhal-geliyo gelitaanka fal-dembiyeedyada noocaasi ah, wuxuu sabab u noqdaa in dembiyo la geli lahaa laga joogsado.

Isha /ekot

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se