
Aasaasihii Pirate Bay oo Thailand lagu xidhay
Aasaasihii Pirate Bay oo Thailand lagu xidhay
Waxa maalintii isniintii xadka u dhexeeya Thailand iyo Laos lagu xidhay Fredrik Neij oo ahaa aasaasihii barkulanka Pirate Bay.
Maxkamadda Svea hovrätt ayaa Fredrik Neij sannadkii 2010 ku xukuntay xadhig. Waxay maxkamaddu sidoo kale xadhig ku xukuntay labadii nin ee kale ee ay wada aasaaseen Pirate Bay. Labadaas nin oo kala ahaa Gottfrid Swartholm Warg iyo Peter Sunde Kolmosoppi.
Jonas Nilsson oo ah qareenka u doodaya Fredrik ayaa xaqiijiyay in Fredrik la xidhay Fredrik, ayna wada wada xidhiidheen maalintii isniinta ahayd kadib markii la qabtay.
Xigasho: Ekot
Musa Isse