Fejignaanta Sweden ee khatarta argaggixiso oo lagu kala duwan yahay

Feejignaanta iyo diyaargarowga Sweden ee ku aadan khataraha argaggixiso waa mid aad u liita, waa laynaka kala jabiyay oo la iska keen hor keenay, ayuu aaminsan yahay Magnus Ranstorp oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha argaggixisada

Bale wasiirka arrimaha gudaha Sweden Anders Ygeman ayaa isagu middaas la qabin oo qaba in ay tahay ka badbadis. Wuxuuna leeyahay Sweden argaggixisada waxay ugu taagan tahay lugo adag, lakiin waxaan u baahanay in aan intaa ka sii badino si aan u joojino shaqaalaynta iyo xagjiraynta dhalinyarada. ’

Anders Ygeman ayaa raba in lacag badan lagu bixiyo tallaabooyinka lagaga hortegayo arrimahan. Wuxuuna aaminsan yahay in sharcigu yahay mid liita sida awadeedna ay dawladu rabto in dembi laga dhigo in la abaabulo, la shaqaaleeyo, la maalgeliyo safarada argaggixisada.

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se