Persson: Shaqooyinka maanta beri waxaa qaban doona mishiino

Kala badh shaqooyinka maanta ayaa 20 sanno ka dib waxaa qaban doona mishiino, sida uu shaaca ka qaaday warbixin ay soo saartay hey’adda samfalka ee qaabilsan istiraatijiyada iyo cilmi baadhista

--Horumarka tigniloojiyada casriga ah ayaa mid si xawli ah u socda, waxanaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in lala socdo sida wax isu bedelayaan ayay leedahay wasiiradda mustaqbalka Kristina Persson

Wasiiradda mustaqbalka ayaa aaminsan in middani tahay da’daalo siyaasadeed iyo cilmi baadhisyo, sida guul looga gaadhi karo

--Shaqooyinka mustaqbalku waxay noqon donaaan farsamo yaqaanada kombiyuutarada iyo injiineerada, ayuu leeyahay Lars Hultman oo isagu gudoomiye ka ah ururka sameeyay cilmi baadhistan ee magiciisa loo soo gaabiyo SSF.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se