Koonfurta Sweden oo aan haysan diyaarad ambalaas ah

Gebi ahaanba koonfurta Sweden ayaa lahayn diyaarad ambalaas ah, middan ayaa ka dhigan in bukaanada goboladaasi aanay helin gargaar caafimaad oo deg deg ah

Visby iyo Göteborg ayaa leh hal diyaarad oo amblaas ah, balse gobolada Småland, Öland, Östergötland, Skåne iyo Blekinge ayaa dhamaantood aan haysan diyaarad ambalaas ah.

Hadda ayaa baadhitaan uu sameeyay gobbolka Östergötland, baadhitaanka oo lagu eegayo baahida loo qabo diyaarad ambalaas ah. Geesta kale Knut Taxbro oo ah dhakhar ka hawlgala isbitaalka Ryhov ee magaalada Jönköping ayaa aaminsan diyaarada ambalaas ahi ay badbaadin lahayd nafo badan.

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se