Nin la rabo in si khasab ah caafimaadkiisa loo baadho

Nin looga shakisan yahay in uu dhowr dumar ah qaadsiiyay cudurka loo yaqaan Klamydia, oo ah cudur u dhow cudurka jabtida ayaa hadda la raba in si khasab ah caafimaad loo mariyo, ka dib markii uu ninkani diiday in uu is baadho

Ninkan ayaa hadda la siiyay waqti si uu isu baadho. Haddii ninkani is baadhi wayay, si khasab ah ayaa caafimaad loo marin oo loo baadhi, sida u sheegay Per Hansson oo ka tirsan guddida cadaalada ee magaalada Växjo.

Cudurka Klamydia oo ah mid u dhow cudurka jabtida ayaa ku dhaca xubnaha taranka, waxaana lagu kala qaada galmada. Cudurkan ayaa horseedi kara madhalaysnimo.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se