Booliska oo da’daal dheeraad ah gelinaya difaaca dimuqraadiyada

Saddex xarumood oo cusub oo laga hirgelinayo magaalooyinka waaweyn ee Stockholm, Göteborg iyo Malmö ayaa si gaar ah uga shaqaynaya ka hortaga dembiyada ka dhanka ah furfurnaanta bulshada

Sida uu bogga dooda ee wargeyska DN uu ku qoray jananka booliska qaranka Dan Eliasson. Sidoo kale sidii looga hortagi lahaa hanjabadaha la isu mariyo internetka ayaa loo qorshaynaya in xarum cusub loo sameeyo.

Arrintan ayaa dabada ku haysa weeraradii argaggixiso ee ka dhacay magaalooyinka Copenhagen iyo Paris iyo sidoo kale weeraradii lagu qaaday masaajidada iyo goobaha dadka yuhuuda ahi ku cibaadaystaan.

Khatarta ka dhanka ah bulshadeeda furfuran iyo waxyaabaha asaaska u ah dastuurkeena ee xornimada iyo xuquuqda ayaa khatar badan ku sugan, sida uu jananka boolisku ku sheegay qormadiisa uu ku daabacay bogga dooda ee wargeyska Dagens Nyheter.

Xarumahan cusub ee booliska ee laga asaasayo magaalooyinka waaweyn ayaa muhiimda ugu weyn ee ay qaban donaan waxay tahay in ay ilaaliyaan dadka cibaadaysanaya. Kharashka ku bixi doona goobahan ayaa lagu qiyaasaya 20 ilaa 30 milyan oo koroon.

Isha: DN/Ekot

samir.dualeh@sr.se