Booliska Stockholm oo laga dacweeyay guddida caddaalada

Wakaalada wararka ee raadiya Sweden, Ekot ayaa fashilisay in hogaanka booliska Stockholm ay muddo labo sanno iyo badh ah ogaayeen diiwaangelinta la diiwaangeliyay haween.

Middan ayaa horseeday in hadda guddida caddaalada loo gudbiyo dacwad ka dhan booliska Stockholm. Waxyaabaha lagu dacweeyay waxaa ka mid ah in baadhitaan hore oo ka socday booliska gudihiisa la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay dhowr bilood iyo sidoo kale in labo baadhitaan la joojiyay iyaga oo aan ogaan diiwaangelintan, ka hor intii aanay Ekot fashilin bishii diisambar sannadkii hore.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se