Sweden oo qaxoontiga ka soo qaadaysa xeryaha qaxoontiga

Sannadkan ayaa Sweden waxay soo qaadaysaa qaxoonti tiradoodu gaadhayso 1 900 oo ah tirada qaxoontiga la ogol yahay in dibada laga soo dhoofiyo  ama  sida tooska ah looga soo qaado xeryaha qaxoontiga

Sweden ayaa arrintan kala shaqaynaysa hey’adda qaxoontiga ee UNCHR, sidoo kale tirada ayaa u dhiganta qaxoontigii laga soo qaaday xeryaha ee sannadihii 2014 iyo 2013.

Qaxoontiga ugu badan ayaa laga soo qaadaya waddanka Suuriya, kuwaas oo gaadhaya 700 muwaadiniin Suuriyaan  ama Falastiniyiin Suuriya u qaxday ah.

Sidoo kale qaxoontiga waxaa ka mid ah dad u dhashay Soomaaliya, Ereteriya, Koongo, Afqaanistaan iyo Itoobiya.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se