Kaalmooyinka dhaqaale oo Sweden ku negaada

Qayb balaadhan oo ka mid ah kaalmada dhaqaale ee Sweden siido adduunka ayaan dhaafin isla waddankan. Sidaa uu shaaca ka qaadayo baadhitaan ay samayso unuga kaalmada ee waddanku, sidaa waxaa qoraya wargeyska Omvärlden

U kuur galkan oo ay sameeyeen khuburada qaabilsan baadhitaanka kaalmada ee magacooda loo soo gaabiyo EBA ayaa qaatay toban bilood. Lacag kaalmo oo qadarkeedu yahay 7, 2 bilyan ayaa Sweden ku hakatay sannadkii 2013.

Boqolkiiba hal dakhliga waddanka Sweden soo gala ayaa lagu bixiyaa caawimo. Sannadka 2014 ayaa middaas waxay u dhigmaysay 38,4 bilyan oo koroon, sida laga soo xiganayo xukuumada.

Isha: SVT/Omvärlden     

samir.dualeh@sr.se