Tacadiyada iskuullada ka dhaca oo aad kor ugu kacay laba sannadood

6:20 min

Xaaladda cimilo bayadeed ee iskuullada ayaa lagu soo warramayaa iney aad uga soo darayso labadii sannadood ee ugu dambeeyay, waa 2012 illaa iyo 2014.

Waana sawir uu sidoo kale arkay uuna aamin-san yahay iney iskuullada ka dhacaan, Axmed Bari oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ku howl-galayey macallin luuqadda hooyo ka dhiga magaalada Borlänge, isla-markaana dhallaanka soomaalida ka caawiya maadooyinka ku adag - waxa loo yaqaanno "studiehandledning", mar uu u warramayay idaacadda Radio Sweden, laanta af-soomaaliga:

Intii u dhexeeysay sannadihii 2012 iyo 2014 ayey kor u kaceen 40% tacaddiga ardeydu isu geeystaan ee ka dhaca iskuullada, sida ay sheegtay wakaaladda bayada ee xarrummaha tacliinta dhallaanka, middaasina oo wakaaladdu u aragto inay leedahay caqabad-darro.

Tacaddiyadaa ayaa ku sabsanaan kara tusaale ahaan arday laad lagu dhuftayt oo ku khasbanaada in aambulans lagaga qaado iskuulkla si loo gaarsiiyo goob uu dar-yeel caafimaad ka helo. Iskuul ka mid ah iskuullada ku yaala magaalada Malmö oo ay wax ka barato Persia, ahna madaxa gudiga ardeyda ee bayadda ayaa sheegtay in xaaladaha iskuulladu ka sii xumaadeen:
- Maaalin walba. Xaqiiqdii mar walba oo aan fasalka ka baxo xilliyada fasaxa waxaan arkaa cid la haraantinayo iyo wax la mid ah. Waa falal joogto u dhaca marka waa la caadaystey, sida ay sheegtay Persia.

Ekot - laanta wararka ee idaacadda oo booqasho ku kala bixisay iskuullo ku yaala magaalooyinka Göteborg, Malmö iyo Stockholm ayaa la kulantay dhallaan ka war-bixinaya sida ay xaaladda bayad oo ey wax ku bartaan u adkaatay. Waxaa goobahaa ka dhaca falal halis ku ah caafimaadka iyo nolosha dhallaanka oo loo baahan yahay in mar walba oo ey falal noocaasi ahi dhacaan lagu war-geliyo ama laga diiwaan geliyo wakaaladda bayadda ee goobaha dhallaanku wax ku bartaan. Si ay wakaaladdu ugu dirto goobta caqabaddu ka dhacday baareyaal ama khubaro ku war-geliya iskuulka habkii wax looga qaban lahaa, si looga hor-tago in dhacdo noocaasi ah mar kale ay ka dhacdo iskuulka.

Dabaddeed haddii uu maamulka iskuulku wax ka qaban waayo talooyinka saraakiisha la waajibiyey in ganaax lagu soo rogo. Sannadkii 2012 ayaa wax laga badalay habkii wakaaladda looga diiwaan-gelin jirey dhacdooyinka noocaasi ah iyadoona lagu kordhiyey in warka lagu soo gaarsiin karo wakaaladda dhanka aaladda internet-ka ama halkaa laga diiwaan-gelin karo falalka noocaasi ah. Waana middaa adkeenaysa in tira-koob ahaan la isu barbar-dhigo diiwaan-gelinta dhacdooyinka noocaasi ah wixii ka horreeyey 2012 iyo intii ka dambeeysay. Iyadoona intii u dhaxeeysey sannadihii 2012 illaa iyo 2014 ey handadaadaha la isugu geysto goobaha wax-barashada ee dhallaanku kor u kaceen 20%, halka jir-dilkuna uu kor u kacay 40% isla wakhtigaa.

Ingela Eriksson Settergren, kana mid ah saraakiisha ka hoowl-gasha wakaaladda laanteeda Göteborg ayaa sheegtay iney falalka handadaadaha iyo jir-dilladu ka mid yihiin caqabadaha la og-soon yahay ee iskuullada ka aloosan:
- Waa caqabado horseeda caafimaad darro ee ka taagan iskuullada. Waana xaalad cad iney jiraan oo kor u kaceen kolka ey sidaa u muuqdaan. Halka dhanka kale ay dhici karto in kor u-kaca ay ugu wacan tahay iney howl-wadeennada iskuulladuna ey kaga karti wanaagsanaadeen sidii ey caqabadaha noocaasi ah indhaha ugu kala furi lahaayeen una diiwaan gelin lahaayeen.

Goobaha dhallaanku wax ku bartaan ayaa lagu tilmaamaa iney ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn ee lagu howl-galo, halkaasina oo la caadeeystay iney ka dhacaan handadaad iyo jir-dillo, tusaale ahaan dhacdooyinka laga soo diiwaan-geliyo ayey ka mid yihiin.

"Mid ka mid ah ardeyda ayaa iskuulka u soo qaatay bistoolad aan aheyn mid dhab ah, halkaasina oo uu ku cabsi geliyay mid ka mid ah dhallaankii ey fasalka wada dhiganayeen, halka uu afar ka mid ahna ku toogtay boojooyinkii bistooladda ka dhacayey. Falkaasi ayaa dhacay saacaddii ugu horeeysay intii aanay xiisaddii koowaad bilaaban."

"Is af-garan waa ka dhacay xiisad lagu baranayey habka qorista alwaaxda ayuu arday mid kale ku qabtay ceeji qoor-sagaaro, isagoona ugu hyanjabay ardaygii manqas uu gacanta ku qabsaday. Hase yeshee uu macallinkii kala dhex-galey markiiba."

"Barxadda iskuulka ayuu arday mid kale dusha uga baxay, iyadoona uu macalinkii laba jeer ku tallaabsaday inuu falkaa joojiyo, halka uu macallinku sidii uu mar saddexaad ku joojin lahaa uu taageero uga baahday ardey kale. Iyadoona uu ardayga mid lagaga fadhiyay, isla-markaana dhowr jeer loogu hanjabay in kaw lagaga siin doono."

Hase yeeshee dugsiga Sabiha ee magaalada Malmö kama dhacaan maalin walba dhacdooyin sidaasi halis u ah. Laakin waxaa ka dhaca dagaallo yaryar oo la xiriira nolol-maalmeed oo kaftan ah. Inkasta oo luuqadda la isticmaalaa tahay mid aad u qalaf-san, sida ay sheegtay:
- Inta badan waxaa la yiraahdaa "hooyadaa ayaan ka sinaysan doonaa". Waa ereyo la isticmaalo maalin walba, sida ay Sabiha sheegtay.

Haddaba su'aasha is-weydiinta lihi waxay tahay: Waalidiinta soomaalida ma ka war-qabaan bayadda ey dhallaankooda subax walba u diraan sidii ey tacliin uga soo koror-san lahaayeen iyo waxyaabaha ka dhaca goobahaa? Su'aashaa ayuu Bare Axmed Bari sheegay in weaalidiintu leeyihiin labada dhinacba: Kuwo ka war haya iyo kuwo aan ka war-heynaba.

Isha/Ekot

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se