Kalla oo bilad dahab ah u soo hoysay Sweden

Sweden ayaa ku guulaysatay biladeedii dahabka ahayd ee ugu horaysay ee tartanka adduunka ee ciyaaraha barafka lagu socdo oo ka socda magaalada Falun ee gobolka Dalarna

Charlotte Kalla ayaa cidla kaga tagtay ciyaartooydii la tartamaysay, iyadaa oo bilaw ilaa dhamaad hogaanka haysay. Kaalinta labaad iyo saddexaad waxaa galay Jessica Diggins iyo Caitlin Cregg, sida ay isugu xigaan oo u dhashay waddanka Maraykanka.