Sicirbararka oo kor u yara kacay

Xubno ka tir-san hoggaanka bangiga qaranka Sweden oo maqaal ku qoray bogga doodda ee war-geeyska Dagens Nyheter DN, ayaa sheegay inay muuqato saansaan la xiriirta in hoos u dhiggii ribada ee dhowaantan uu bangigu ku dhawaaqay inay horseeday saameeyn dhanka sicir-bararka.

Waxaa kor u kacay qiimaha sicirka alaabooyinka dibadda laga keeno, iyadoona uu sicir-bararku iminka gaarsii-san yahay qiyaastii boqolkiiba hal, kolka laga saaro go'aannadii hore ee bangigu gaarey iyo hoos u dhaca qiimaha shidaalka.

Hoggaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu isticmaali doono intii karaankiisa ah awooddooda sidii kor loogu qaadi lahaa heerka sicir-bararka.

Isha/DN

                                                                                           kenadid.mohamed@sr.se